Goobjoog

Erdogan: QM Ayaan Ka Bilaabeynaa Hindise Lagu Laalayo Go’aanka Trump Ee Qudus

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo jimcaha sheegay in dalkiisa uu Qaramada Midoobey ka dhex-bilaabi-doono hindise la xiriira sidii lagu baa’bin lahaa go’aanka Donald John Trump ee Qudus…

Erdogan: QM Ayaan Ka Bilaabeynaa Hindise Lagu Laalayo Go’aanka Trump Ee Qudus
Turkish President Recep Tayyip Erdogan delivers a speech during 28th Mukhtars (local administrators) meeting at the Presidential Complex in Ankara on October 19, 2016. / AFP / ADEM ALTAN (Photo credit should read ADEM ALTAN/AFP/Getty Images)

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdoğan  ayaa maanta oo jimcaha sheegay in dalkiisa uu Qaramada Midoobey ka dhex-bilaabi-doono hindise la xiriira sidii lagu baa’bin lahaa go’aanka Donald John Trump ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il.

Madaxweyne Erdoğan  waxaa uu sidoo kale ka hadlay in marka hore Turkiga keliya isku dayi-doono sidii uu u baabi’in lahaa go’aanka Trump, haddii ay u suuro-geli-weysana waxaa ay aadi-doonaan Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa.

Waa dadaal kale uu sameynayo Erdoğan kadib markii todobaadkan uu shir Qudus looga hadlayo, oo ururka iskaashiga Islaamka ahaa, isla markaana ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 50 hoggaamiye oo dunida Muslimka ay ka soo qeyb-galeen.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments