Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo sidoo kale taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa kulan looga hadlayey amniga Gaalkacyo waxay la yeesheen waxgaradka kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug.
Madaxweyne Xaaf oo kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay iney furi doonaan waddooyinkii ku xirmay colaadda Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in aan loo dulqaadan karin waddooyinka oo shacabka laga xiro.
“Reer Gaalkacyow sidan caqli shaqeynaya ma ahan, wax sii socon kara ma ahan, aniga waxaan rabaa in degdeg lagu furo jidadka xiran, haddii aan wax kale weynno kuwa na fitneenaya waan habaareynaa weyna dhimanayaan, walaalayaalow maxaan isku dileynaa, waxaan codsanayaa in qof dambi galay aanu suuqa ku xaragoon” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.




From the comments