Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku guuleysteen iney dib u furaan waddooyin muhiim ah oo ku xirmay dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo.
Mas’uuliyiin kale oo ka socotay Puntland, Galmudug iyo saraakiil ciidan ayaa qeyb ka ahaa qorshaha maanta lagu furay waddooyinkaan.
Waxaa la qaaday dhammaan dhagaxyadii lagu jaray waddooyinkaan, waxaana la isku raacay in shacabka ay si nabad ah ku isticmaalaan.





From the comments