Jaamacad ku taallo Nageria ayaa waxay u diiday gabar arday ah oo Muslimad ah, dhigatana kulyadda xuquuqul insaanka inay soo xaadirto xaflad lagu qabanayey gudaha kuliyadda.
Sababta gabadhaan looga celiyey inay soo gasho hoolka xafladda ay ka dhaceyso ayaa lagu sheegay in soo xiratay xijaab ayna khilaaftay sharciyada u yaallo Jaamacadda.
Gabadhaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Amaasa Fardowsa waxayna si kadis ah ula kulantay in laga celiyo inay gasho gudaha hoolka Jaamacadda ee Alorin kuna taallo gobolka Quara ee galbeedka Nigeria, halkaasi oo ay ka dhaceysay xaflad gabadhaan ayaa madaxa ku soo daboolatay xijaab waxayna ka hor imaaneysaa sharciyada jaamacadda u dagsan. Fardowsa yaa diiday codsiga mas’uuliyiinta Jaamacadda oo ahaa inay siibto xijaabka, waxayna ku adkeysatay inay ka dul xiraneyso tin buroko ah xijaabka dushiisa ayna siibeyn sidaasi waxaa sheegay warbaahinta Nigeria.




From the comments