Ciidamada ilaalada xeebaha Libya ayaa badbaadiyey in ka badan 250 qof oo muhaajiriin aha, kuwaasi oo doonayey in dooman yaryar ay uga baxaan Libya.
Muhaajiriintaan la badbaadiyey ayaa waxay ku sii jeedeen dalka Talyaaniga halkaasi oo ay rabeen in si sharci darro ah ay ku galaan.
Xeebaha galbeed ee Libya ayaa waxay noqdeen meelaha ugu waaweyn oo ay ka dhoofaan dadka tahriibiyaasha ah intooda badan waxay ka soo jeedaan dadkaani dowladaha ka hooseeya saxaraha waxayna doonayaan inay galaan wadamada Yurub iyaga oo wadamadooda uga cararaya Saboolnimada iyo dagaalada ka jira.




From the comments