Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo Afar Sano ku xirnaa dalka Itoobiya, kuna xukunnaa 27 sano oo xabsi ah ayaa maanta Muqdisho la keenay, kadib dedaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Boqorka Bartamaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Suxufiyiin.
Mar uu si kooban ula hadlay warbaahinta wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxan yahay inuu dib u helo xorriyaddiisa, islamarkaana dowladda Federaalka ayuu wariye Muudey uga mahadceliyey dedaalka ay kusoo deysay xilli uu quus joogay.




From the comments