Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa cambaareeyay xarigga siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo kamid ah aas aasayaasha xisbigaasi.
Guutaale ayaa sheegay in wax lala xumaado ay tahay in la weeraro rag madax ah oo xilli ay la shirsanaayeen xildhibaanno, isaga oo sheegay in halka lagu soo weeraray Mr. Shakuur ahayd xafiiska xisbiga.
Ammarka lagu xirey C/raxmaan C/shakuur ayuu sheegay in laga soo bixiyey xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments