Guddoomiyaha hey’adda cilmi -baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Gaas Faarax Axmed Qare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysan-doonto muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Faarax ayaa tilmaamay in dowladda Kenya markey gudbisay jawaabtii laga sugayey December 17 ka dib ay tahay inay guuleysan doonto dowladda Soomaaliya .
“Dacwadii waa ay socotaa go’aanka dacwada waxaa uu ahaa Kenya inay keento Disember jawaabtii ay ka bixineysay dacwadii Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda iyada ayaa laga sugaa waxay ku jawaabto dacawada waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysanno maxaa yeelay xaqbaan leenahay”.




From the comments