Mareykanka: Gantaallada Xuutiyiinta Ay Ku Rideen Sacuudiga Waxaa Ka Muuqato Faraha Iran
Sheeko:Dalka

Safiiradda Mareykanka u fadhisa qaramada midoobay, Nikki Nimrata Haley , ayaa sheegtay in gantaalkii ay Xuutiyiinta ay ku soo rideen caasimadda Sacuudiga ee Riyadh uu ka muuqday faraha Iran.
Kooxaha Xuutiyiinta oo taageero dhaqaale iyo mid militari ka hela Iran ayaa waxay gantaal ku rideen aqalka madaxtooyada Sacuudiga oo ah meesha u deganyahay boqor Salmaan.
Isbaheysiga Carbeed uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Iran in kooxahaani ay siisay gantaalka lagu soo riday madaxtooyada boqorka.
Iran ayaa iska fogeysay inay hubeyso xowthiyiinta dagaalka kala soo horjeeda dowladda Cabdi Rabah Mansuur ee caalamka laga aqoonsanyahay uuna hogaaminayo isbaheysiga Sacuudiga.
Goobjoog News