Waxaa maalintii labaad galay shirweyne ka dhacaya dalka Jabuuti gaar ahaan ‘Guriga Umadda ee Jabuuti laguna gorfeynayo xaaladda siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida. Waxaana madasha soo qaban qaabiyay Machadka Darasaadka ee Heritage iyadoona Madaxweynaha dalka Jibuuti Ismaaciil Cumar Geellena uu martigeliyay.
Cinwaanka 1aad ee maanta laga doodayo sidoo kalena shirka maanta lagu furay waxuu ku saabsan yahay Isdhexgalka Dhaqaale iyo Nidaamka Federaalka ah.
Madashan oo ah mid sanadle ah oo Machadka Heritage uu qaban doono sanad walba ayaa markii ugu horreysay la daah-furay maalinimadii shalay aheyd waxaana uu qorshaha yahay in lasoo gaba-gabeeyo berri oo Khamiis ah.











From the comments