Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa ciidamada dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey iney qaadeen weerarka dagaalkaan, waxaana dagaalka xooggiisa uu ka dhacay Buunadada degmadaasi.
Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.




From the comments