Goobjoog

Ciidamada K/galbeed Oo Howlgallo Ka Sameeyay Baay

Ciidamada maamulka K/galbeed ayaa maanta waxay howlgallo ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay. Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay ku baxeen deegaanno la sheegay iney ku sugan…

Ciidamada K/galbeed Oo Howlgallo Ka Sameeyay Baay

Ciidamada maamulka K/galbeed ayaa maanta waxay howlgallo ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay ku baxeen deegaanno la sheegay iney ku sugan yihiin Al-shabaab.

Madguud Macalin oo ah taliyaha ciidamada howlgallada ee Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannadii ay ku baxeen ay kasoo waayeen Al-shabaab.

Wuxuu taliyaha tilmaamay in markii ay Al-shabaab maqleen in dhankooda lagu wajahan yahay ay goobta isaga baxsadeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madgaduud ayaa sheegay in xilli walbo diyaar u yihiin iney Al-shabaab la dagaallamaan kana saaraan  meelaha ay kaga sugan yihiin deegaannada ku dhow Bardaale ee gobolka Baay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments