Degmada Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe waxaa ka soconaya kulan ballaaran oo looga hadlayo amniga guud ee gobolkaasi, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin kala duwan.
Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, guddoomiyeyaal degmo iyo sidoo kale saraakiil ciidan ayaa kamid ah xubnaha kulankaasi ka qeybgalaya.
Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in kulankaan diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee amniga Sh/dhexe, gaar ahaan dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday deegaanno hoostaga degmada Balcad.




From the comments