Kuuriyada waqooyi ayaa ku tilmaantay maanta oo Axad, cunnu-qabateymah cusub ee kaga yimid dhanka Qaramada Midoobay in ay tahay howl-dagaal.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku sheegtay bayaan ay baahisay in cunno-qabateymaha qaramada midoobay uu ka horimaanayo danaha Kuuriyada Waqooyi waxayna ku tilmaanatay go’doon ganacsi oo ka dhan ah dalka.
Bayaanka wasaaradda ka soo baxay waxaa uu intaasi ku darayaa “ Mareykanka waxaa uu dareemayaa cabsi aad u daran taasi oo ku saabsan guuleysiga arrinteena taariiqiga ah ee dhameystirka awoodeenna hubka wax gumaada”.




From the comments