Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay gaaraan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka.
Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in xubnahan ay ku shiri doonaan magaalada Baydhabo, shirkoodana uu socon doono Labo cisho.
Ajendaha shirkaan weli lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay.




From the comments