Saraakiisha maamulka K/galbeed ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kadib markii uu lasoo xiriiray maamulkaasi.
Cabdulle Isaaq oo ah taliyaha howlgelinta ciidamada K/galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in sarkaalkan uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka, islamarkaana ma aanu sheegin magaciisa.
Sarkaalkan ayaa iska dhiibay degmada Diinsoor, waxaana la sheegay in diyaarad Helicopter ah lagu keenay magaalada Baydhabo, isagoo la tilmaamay in markii uu soo goosanayey uu watey gaari nooca dagaalka ee Cabdi Bilaha iyo qori AK-47.




From the comments