Deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay oo Isniin ah laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobolka Sool oo ay ka dhaceen dagaallo qaab beeleed u abaabulan.
Wariyaha Goobjoog ee gobolka Sool, Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in deegaannada Cagaarre iyo Gorilley oo dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Laascaanood ay saakay deggan yihiin, wallow xilli walbo dagaallo la filan karo.
Ma jirto cid si rasmi ah u kala dhexgashay dhinacyadan dagaallamay, marka laga soo tago baaqyo nabadeed oo hawada loo mariyey dhinacyadan is haya.




From the comments