Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay wuxuu saldhig Booliis ka hirgeliyey deegaanka Bangeelle oo u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Mahad Xasan Axmed oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Galmudug, ayaa sheegay in saldhiggan uu muhiim yahay, islamarkaana ka qeybqaadan doono amniga deegaanka.
Wuxuu tilmaamay wasiirka, in saldhiggan dhismahiisa ay kaalin ka qaateen qurbejoogta deegaanka iyo maamulkooda.




From the comments