Waxgaradka ku dhaqan degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya iney waddo dhul ballaarsi, iyaga oo sheeganaya iney leeyihiin qeyb kamid ah degmadaasi.
Nabadoon Aadan Weli Muuse ayaa u sheegay Goobjoog News, in shacabka B/xaawo ay ka war heleen oo kaliya Taangiyo iyo ciidamo badan oo soo gudbay, islamarkaana cabiranaya qeybo kamid ah degmada B/xaawo.
Waxa uu tilmaamay nabadoonka in ciidamadan ay qodis ku bilaabeen xaafado kamid ah B/xaawo iyaga oo dadka u sheegaya in dulka Kenya halkaasi ka tirsan tahay.




From the comments