Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in baarlamaanka maamulka Hirshabelle ay codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirada cusub ee maamulkaasi.
Maxamuud Xasan Wabar oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulkaasi ayaa sheegay in maanta ay rajeynayaan in codka loo qaado wasiiradan.
Waxa uu tilmaamay in la xalliyey caqabado yar oo taagnaa kuwaasi oo sababay in maalintii shalay ahayd furmi waayo kulankii baarlamaanka Hirshabelle.




From the comments