Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Jubbaland ka bilaabay barnaamijyo wacyi-gelin iyo wada-tashi isugu jira kuwaas oo looga hadlayo doorashada 2021-ka.
Talaaladii waxaa Kismaayo laga furay Kulan wada tashi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka kaasoo looga hadlayo Doorashada lagu wado Soomaaliya inay ka dhacdo 2020.
Kulanka waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbland Maxamuud Sayid Aadan, waxaa sidoo kale goobta joogay Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, iyo Siyaasiyiin waxaana lagu gorfeynayaa qorshaha lagu wajahayo Doorashada qof iyo cod iyo sida Bulshada uga qeyb qaadan karto.




From the comments