Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah aanu maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir tagi doonin siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.
Lama hubo in maxkamadda ay tagi doonaan qareennada C/raxmaan iyo in kale, balse waxaa naloo xaqiijiyey in shaqsi ahaan aanu C/raxmaan Tagi doonin maxkamadda.
Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in maanta dib loo furi doono dhageysiga dacwad loo haysto C/raxmaan Cabdi Shakuur.




From the comments