Magaalada Muqdisho waxaa ka soconeysa munaasabad ballaaran oo ku saabsan daahfurka hawada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya madaxda sare ee dalka, madaxweynaha Galmudug, xildhibaanno, wasiiro, siyaasiyiin, fanaaniin iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo goor dhow gaaray halka ay ka socoto munaasabadan ayaa kormeeray goobta la dhigay qalabka casriga ah ee loogu talogalay maamulka hawada Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta waaxda saadaasha hawada ayaa madaxweyne Farmaajo sharaxaad buuxda ka siiyey qaabka uu qalabkaan u shaqeynayo iyo awoodiisa inta ay la egtahay.





From the comments