Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah lataliyaha madaxweyne Farmaajo ee arrimaha siyaasadda ayaa dhaliilay hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aan lagu kalsoonaan karin maxkamadaha, wasaaradaha, baarlamaanka iyo garsoorka, Xeer-ilaaliyaha ayuu ku tilmaamay mid shaqo kale heysta oo tii loogu talo-galay dayacay.
Ugu horeyn isaga oo ka hadlay sida ay u liitaan maxkamadaha iyo wasaaradaha “Annaga maxaa ku dhacay Institutions marka, maleenahay Institutions xoogan, qaran leh Institutions, ma lihin, Maxkamadaheenna ma yihiim maxkamad marka ay garta gooyso qofka Soomaaliga ah ku kalsoonaan karo, ma jirto, maxkamadaheennu ma laha, wasaaradihii malagu kalsoonaan karaa, oo wasaaradda malagu kalsoonaan karaa in ay umadda dhan u simman tahay, oo wasiirkaasi uu wasiir u yahay umadda Soomaaliyeed, mise waxaan sharciyeyney wasaaraddu inuu qabiil leeyahay, oo wasaaradda qabiil la siinaayo, oo qabiil hebel wasaaraddaasi ayaa la siiyay la leeyahay, ninka marka la dhaho wasaaraddaasi qabiil hebel ayaa la siiyay, hade wasaaraddaasi qaranka uguma adeegaayo ee qabiilka ayuu ugu adeegaa, sow ma aha”
Dhinaca kale, Tarsan waxaa uu ka hadlay nidaamka 4.5 isaga oo yiri “Marka waxaa la keenay 4.5, cadaw ayaa loo bixiyay, 4.5 wadaniyadda ayey ka soo horjeeddaa, kartida ayey ka soo horjeedaa, aqoonta ayey ka soo horjeedaa, waxtarka ayey ka soo horjeedaa, ammaanada ayey ka soo horjeedaa, ma dhaafsaneen in qabaa’ilka Soomaalidu matalaad ku yeeshaan baarlamaanka, waa inta loogu talo-galay, dastuurkeenna kuma qorna, meel ay sharciga uga qoran tahay ma jirto 4.5, ma aheen in hoos loo dajiyo oo wasiirrada, agaasimayaasha, dhakhaatiirka iyo janannada laga dhigo, maanta janan la rabo in ciidan 20 kun, 30 kun dagaal geliyo ayaa sifada lagu keenayo ay tahay qabiilka uu ka dhashay, nabad sugidda ayaa lagu keenayaa qabiilka uu ka dhashay, booliiskiibaa lagu keenayaa qabiilka uu ka dhashay, ilaahbaan idiinku dhaariyee Institutionskaas ma dhisnaan karaa mise ma dhisnaan karo”.




From the comments