Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in 1-da January 2018, ay magaalada Jowhar shir nabadeed uga furi doonaan beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Guddoomiyaha gobolkaasi, Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in shirkaan ay isugu keeni doonaan waxgaradka Labada dhinac.
Sidoo kale, guddoomiye Mayre ayaa sheegay in dib u heshiisiin kadib ay ka maamul ahaan ka qeybqaadan doonaan dib u dhiska guryihii ku burburay dagaalladii dhacay.




From the comments