Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib markii amniga magaaladaasi la wareegeen ciidamo isku dhaf ah.
Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xogga dalka Jeneraal C/laahi Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda amniga Gaalkacyo uu wanaagsan yahay, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.
Waxa uu tilmaamay Taliye C/laahi in ciidamada isku dhafka ah ay talaabo ka qaadi doonaan cid walbo oo isku dayday iney dhibaato ka sameyso magaaladaasi.




From the comments