Col. Cabdullahi Cirro oo ah taliyaha qeybta 21aad ee xoogga dalka ayaa ka hadlay sida ay u dhacday shaqaaqadii suuqa magaalada Galkacyo isaga oo sheegay in ay tahay arrin aan la fileyn oo dhacday.
“Iyada oo laga shaqeynayey muddo bil ah nabadda iyo bulshada inay is-fahamto qeybaheeda kala duwan ee Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, wax aanaan fileyn ayaa ka dhacay suuqii weynaa ee magaalada Galkacyo ahna xarunta ganacsiga ugu ballaaran gobolkaan uu ka jiro “ isaga oo nasiib-darro ku tilmaamay arrintaasi.
Taliye Cirro ayaa dhinaca kale xusay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya cid kasto oo nabadda ka hortimaada ay la tiigsan doonaan sharciga, waxaa uuna fariin u jeediyey bulshada ku nool Kaalkacyo.




From the comments