Jamahuuriyadda Congo ayaa ku amartay shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta inay guud ahaan jaraan adeegga internetka iyo fariimaha gaagaaban ee adeegga dalka.
Amarka ay soo saartay xukuumadda Congo ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo lagu wado maanta oo Axad ah in dalkaasi ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeeda xukuumadda sidaas darteed ayey xukuumaddu u jareysaa adeegyada isgaarsiinta iyo internetka.
Dowladda Itoobiya ayaa tallaabadaan oo kale qaaday bartamihii bishaan December, waxayna xirtay qaar ka mida baraha ay ku xariiraan bulshada ka dib markii ay xoogeysteen isku dhacyada u dhaxeeya qoomiyadaha degan dalkaasi.




From the comments