Atooraha Filimaanta Hindiga Rajinikanth ayaa maanta sheegay in uu kusoo biirayo siyaasadda, sheegana in uu xisbi ugaar ku dhawaaqi-doono.
Rajinikanth(Soomaalida u taqaan Jeestoole) oo aad looga jecelyahay koonfurta Hindiya gaar ahaan gobollada ay deegaan Tamil Nadu ayaa intaasi raaciyay in go’aankaasi u qaatay baahi taagan iyo waqtiga oo ku qasbay.
“Waxaan gudan-doonaa waajibkeyga, waan badali-doonnaa maamulka” ayuu sheegay atoorahan 67 jirka ah. Waxaa lagu wadaa in xisbigiisa uu ka qeyb-qaato doorashada ka dhici-doonta Tamil Nadu 2021-ka.




From the comments