Maxkamad ku taallo Masar ayaa ku xukuntay xabsi muddo saddex sano ah madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi iyo 19 kale oo qof ka dib markii ay liideen madaxda garsoorka dalkaasi.
Mursi iyo kooxdaan kale ayaa horay waxaa ay u sheegeen warar ay ku naqdinayaan xukunka waxayna doonayeen inay baahiyaan warar ku saleysan naceyb sida ay sheegtay maxkamadda.
Maxamed Mursi ayaa loo maxkamadeeyay arrimo dhowr ah tan iyo markii ay casileen ciidamada bishii June ee sanadkii 2013 ka dib markii ay dhaceen banana-baxyo ballaaran oo looga soo horjeeda xukunkiisa.




From the comments