Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in hubka Nukliyeerka ah uu yaalo had iyo jeer xafiiskiisa taasi oo aan u suurto galineyni Mareykanka inuu bilaabo dagaal.
Waxaa uu intaasi ku daray Kim Jong-un isaga oo ka hadlayey telefishinka ayuu yiri “ Dhammaan gobollada Mareykanka waxaa ku dhacaya hubka Nukliyeerka ah ee ay heysato Kuuriyada Waqooyi”. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in arrintaani aysan goodin aheyn oo ay tahay wax dhab ah.
Dhanka kale waxaa uu furay iridda nabadgelyada, waxaa uuna yiri “ Dalkeyga waa uu u furanyahay inuu galo wadahadal.




From the comments