Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu daah furay qalab casri ah oo loogu talogalay in uu qashinka ka saaro dekadda magaalada Muqdisho.
Qalabkan waxaa keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha dekadda Muqdisho, waxaana munaasabadda daah furista qalabkan cusub goob joog ka ahaa wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Maryan Aweys Jaamaca, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, mas’uuliyiin ka socotay Albeyrak iyo mas’uuuliyiin kale.
Waxaa qalabkaan lagu soo saari doonaa maraaakiibtii dhowr iyo Labaatan sano kahor ku burbuay badda, sidoo kalena waxaa lagu bixin doonaa qashinka kale ee yaalla nawaaxiga dekadda Muqdisho.





From the comments