Goobjoog

Sanaag Oo Laga Mamnuucay Ugaarsiga Diinka

Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa waxa uu ka digay xayawaanka Diinka oo uu sheegay in aad looga ugaadhsado gobolka Sanaag gaar ahaan deegaannada hoos yimaada magaalada Ceerigaabo. Badhasaabku…

Sanaag Oo Laga Mamnuucay Ugaarsiga Diinka

Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa waxa uu ka digay xayawaanka Diinka oo uu sheegay in aad looga ugaadhsado gobolka Sanaag gaar ahaan deegaannada hoos yimaada magaalada Ceerigaabo.

Badhasaabku wuxuu sheegay in ciddii falkaas ay ku qabtaan ay ka qaadi doonnaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Ka ganacsiga xayawaanka Diinta ayaa markii ugu horraysay dhawaan laga bilaabay magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya.

Lama oga sababta saxda ee ka dambeysa ugaarsiga iyo waxa laga helo balse waa sheeko ganacsi isku badashay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments