Sanaag: Wasiirka Qorsheynta Federaalka Ah Oo Booqday Badhan Si Loo Qiimeeyo Xaaladda…
Sheeko:Dalka

Wasiirka qorsheynta dawladda federaalka Soomaaliya Jamaal Xasan Ismaaciil iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Safarka wasiir Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa lagu sheegay mid loogu kuur-galayo xaaladda guud ee dadka ku nool deeganadaasi iyo sidii maamulka dawladnimo loo gaadhsiin lahaa deegaanada fog-fog.
Wasiir Jamaal ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreeyay oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ee gaadha degmada Badhan ee gobolka Sanaag tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.
Goobjoog News