Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga Wadajir ayaa sheegay in aanu aqbaleyn go’aanka maxkamadda racfaanka ee safaradda looga mamnuucay, lagu amray in la sii wado baarista dacwadiisa muddo 90 cisho ah isaga oo intaasi raaciyay in arrinkan ay tahay fursad xeer ilaalinta loo siiyay in ay soo dhoo-dhoobaan eedeymo been-abuur ah.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakur waxaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadeysan, oo la doonayo in isaga lagu sumcad dilo, lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqiisa iyo hankiisa siyaasadeed, isaga oo cambaareeyay waxa uu ugu yeeray ciqaab wadareed loo geystay qareenno diiday in ay u doodaan.
Siyaasiga Shakur waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay sida madaxda dowladda iyo garsoorka isaga indho-tireen weerarkii lagu soo qaaday xarunta xisbigooda iyo dilkii goobtaasi ka dhacay.




From the comments