Iran ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay u gudbisay dacwad taasi oo ay uga dacwooneyso Mareykanka inuu faro-gelin ku hayo arrimaheeda.
Wakiilka Iran u fadhiya qaramada midoobay Gulaam Cali ayaa fariin u gudbiyey xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres,isaga oo u sheegay in maamulka Mareykanka uu wado isku dayo balaaran ee lagu faro galinayo arrimaha gudaha ee Iran.
Arrinaani ayaa imaanaya xilli aqalka cad uu sheegay in cuna-qabateyn lagu soo rogay dadkii ku lugta lahaa dibad-baxyo ka dhacay Iran iyo in lacaburiyey dadkii dibad-baxyaasha ahaa.




From the comments