Dalka Suudaan ayaa Khamiistii dib ugu yeeray safiirka dalkaasi u fadhiyo Masar iyada oo aan la shaacin sababta iyo inta uu Khartoum sii joogi-doono.
Qoraal soo baxay waxaa ku qornaa“ Safaaradda Masar ee Khartoum waxaa 4 January loo geeyay warqad lagu sheegayo in dib loogu yeerayo safiirka Suudaan ee Qaahira si loola tashto, Masar waxaa ay iyada qiimeyn ku wadaa xaaladda si ay jawaab uga bixiso”
Xiriirka Masar iyo Suudaan waxaa uu xumaaday markii uu madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashir uu sheegay in Masar taageerto kooxaha xukuumadiisa ka soo horjeeda ee Darfur.




From the comments