Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo kormeeray garoonka diyaaradaha Garoowe oo dhismo ku socota ayaa sheegay in maalmaha soo aadan lasoo gabagbeynayo dhismaha, islamarkaana garoonka uu shaqo bilaabi doono.
Gaas ayaa warbixin ka dhageystay howlwadeennada ku howlan dhismaha garoonkan oo qaab casri ah loo dhisayo.
Sida qorshaha yahay waxaa garoonkan xarigga laga jari doonaa 8-da bishan, iyadoo lagu wado inuu xarigga ka jaro madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.




From the comments