Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u sheegay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, in aaney jirin hadda Fursad uu Turkiga ugu soo biro midowga Yurub.
Shir jaraa’di oo si wadajir ah ay ugu qabteen magaalada Paris ayuu Macron ku sheegay inay jirto cabsi ku aadan dhanka xuquuqul insaanka tan iyo markii Turkiga uu bilaabay olole lagu sifeynayo dadkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay 2016 kii.
Dhankiisa madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu daalay sida uu ugu qeylinayey Yurub si uu ugu biro Midowga Reer Yurub.




From the comments