Dalka Mareykanka ayaa liiska argigixisada caalamiga ah ku daray ku-xigeenka madaxa xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda waxaa lagu sheegay in Abukar Cali Aadan la xayirayo haddii hanti ku lahaado Mareykanka, waxaa kale oo muwaadiniinta dalkaasi laga mamnuucay in ay la tacaamulaan.
Qoraalka sidoo kale waxaa lagu sheegay in kooxda Al-shabaab ay ka dambeysay qaraxii October 14 ee Zoobe kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 512 qof.




From the comments