Goobjoog

Ammaanka Magaalada Garoowe Oo Aad Loo Adkeeyay

Ciidamada Puntland ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee magaalada Garoowe, halkaasi oo la filayo in maanta oo Axad ah uu gaaro madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Guud ahaan magaalada…

Ammaanka Magaalada Garoowe Oo Aad Loo Adkeeyay

Ciidamada Puntland ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee magaalada Garoowe, halkaasi oo la filayo in maanta oo Axad ah uu gaaro madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Guud ahaan magaalada Garoowe waxaa lasoo buuxiyey ciidamo u badan kuwa gaarka ah ee Puntland, iyadoo magaaladaasi laga dareemayo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweynaha.

Shalay waxaa magaalada Garoowe tagay wafdi horudhac u ah madaxweynaha, kuwaasi oo usii gogol xaaraya soo dhoweyntiisa.

Madaxweynaha ayaa u tagaya magaalada Garoowe arrimo ay ugu horreyso xarig jarka garoonka cusub ee diyaaradaha Garoowe.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments