Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Galgala ee gobolkaasi.
In ka badan Shan madfac ayaa la sheegay in saldhigga gudahiisa iyo bannaankiisa ay ku dhaceen, balse lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay
Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay soo dhigeen in madaafiicdaasi ay waxyeello ku gaarsiiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland.




From the comments