Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo waddo furis ah waxay ka bilaabeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Hiiraan.
Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Dabaashe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan ay u socdaan sidii loogu talogalay, islamarkaana ay Al-shabaab ka saareen deegaanno ay ku dhuumanayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inaanu jirin wax iska horimaad ah oo ay Al-shabaab kala horyimaadeen ciidamada howlgalka wada.




From the comments