Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray garoonka caalamiga ah ee Garoowe.
Garoonkaan oo si heer caalami ah loo dhisay ayaa wixii maanta ka dambeeya waxaa kusoo degi doona diyaaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Madaxweyne Gaas oo munaasabadda xarig jarka garoonkan hadal ka jeediyey ayaa sheegay shaqo badan la geliyey dhismah garoonka Garoowe, islamarkaana hadda uu lamid noqonayo kuwa caalamiga ah ee dalka ka jira.




From the comments