Dalka Suudaan waxaa ka socda dibad-baxyo looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid cuntada quuta daruuriga ah waxaana la xadidey sidoo kale rootiga.
Mas’uuliyiin iyo goob joogayaal ayaa waxay sheegeen in dibad-baxyadaan uu ku dhintay hal arday waxayna ka dhaceen gobollada Daafuur iyo Neylu Arsaq halkaasi oo uu ka jiro muran u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha Fallaagada ah.
Sidoo kale magaalada Khartuum waxaa ka dhacay dibad-baxyo ay sameynayaan ardeyda dhigadda xarumaha waxbarasho waxayna booliska adeegsanayaan gaaska indhaha ka ilmasiiyo.




From the comments