Talliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod oo shalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo gaareen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso nabadeyntii laga bilaabay magaaladaasi.
Wuxuu taliyaha sheegay in ay filayaan dhameystirka heshiiska Gaalkacyo, iyadoo shacabka iyo sidoo kale maamullada ka jira magaaladaasi mideysan yihiin.
“Waxaa farxad oo ilaahay uga mahadcelineynaa, Nabaddii halkaan aan ka wadnay la sheegay warbixintii aan ka helnay in meel wanaagsan mareyso, waxaan rajeyneynaa intaasi iyo in ka fiican iney gaari doonno.. Inta dhiman hadana waan dhameystireynaa” ayuu yiri Taliyaha.




From the comments