Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo sidoo kale dabley hubeysan oo gaadiid isbaaro u dhiganayey.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan, Xuseen Cismaan Muumin ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkan uu dhacay kadib markii ciidamada ammaanka lagu soo wargeliyey koox hubeysan oo dhac u geysanayey gaadiid marayey xaafadda Howlwadaag ee B/weyne.
Waxa uu guddoomiye ku xigeenka xaqiijiyey in raggan ay rasaas kala hor yimaadeen ciidamada ammaanka, waxaana halkaasi ku dhaawacantay Afar qof oo Saddex kamid ah ahaayeen raggii gaadiidka baaranayey.




From the comments