Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta booqan doona degmada Qardho ee gobolka Bari.
Waxa uu madaxweynaha kula kulmi doonaa magaalada Qardho Waxgaradka degmadaasi iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii ugu dambeeyay wuxuu booqasho ku jooday Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta maamulka Puntland, waxgarad iyo shacab farabadan.




From the comments