Mas’uuliyiin uu horkacayo maamulka gobolka shabeellada dhexe ayaa furay biyihii in muddo ah ku xayirnaa halkaasi mashruuca biyo keydinta Xawaadley.
Qaar ka mida beeraleyda ku dhaqan deegaannada gobolka shabeellada dhexe ayaa ka hadlay faa’idooyinka uu leeyahy in mashruuca dib loo furo
Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay arritani tahay ajiibid ku aadan sidii beerihii gobolka shabeellada dhexe keydkii anfici lahaa wax looga qaban lahaa, guushiina la gaaray.




From the comments