Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Waxaa madaxweyne Farmaajo wehlinayey madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, wasiirro iyo xildhibaanno ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.
Shacab aad u badan, islamarkaana u diyaar garoobay soo dhoweynta madaxweynaha ayaa magaalada banaankeeda kaga hortagay.




From the comments